Wednesday, April 1, 2020

Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC

Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC

Wednesday     - April 01, 2020


Waxaynu ognahay in Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab ahaa nin daryeela dadka muslimiinta ah ee uu ka masuulka yahay, waxaanu ahaa mid waardiyeeya habeenkii si uu ula socdo hawlahooda iyo baahiyooyinkooda.

Habeen ka mida habeenadaas isagoo Cumar maraya jidadka magaalada Madiina ayuu wuxuu maqlay Gabar geeraaraysa oo tirinaysa Maanso jacayl ah oo ay u qaadayso nin la yiraah waa ninka ugu qurxoon magaalada Madiina, waxayna tiri:
" Ma Jiraa Wado Aan U Maro Khamri Aan Cabo Ama Majiraa Wado Aan U Maro Nasri ibnu Xajaaj"

Cumar ibnu Khadaab markuu geeraarkan maqlay ayuu yaabay sideebay u dhici-kartaa in gabar dagan magaaladii Rasuulka (N.N.K.H) ay gurigeeda ku hamiso cabida Khamriga iyo xiriirka ninkan Nasri ibnu Xajaaj!!

Subaxii marku waagu baryey ayaa Cumar baadi-doonay ninki ahaa Nasri ibnu Xajaaj Al-Sulami kadibna waa la keenay, mise wiilkani waa ninka ugu qurxoon Raga!! Wajigiisu wuu dhalaalayaa wuxuu leeyahay timo aad u qurxoon iyo indho waaweyn.

Cumar wuxuu yiri; Adiga weeye saw maaha ninka ay haweenka Madiina ku hadaaqaan guryahooda? Cajiib, wuxuu faray in timaha laga xiiro. Timihii kolkii laga xiiray waxa soo haray Madax wayn ood moodo sida Dayaxa!!

Cumar waa yaabay wiilkiiba sidii hore waa kasii qurux batay markaasuu faray inuu cimaamad madaxa ku duubto dabadeedna waa ku duubay cimaamadii hadan quruxdiisii way kasii dartay oo wiil indho waaweyn ayuu noqday.

Cumar wuxuu ka cabsaday in ninkan Dumarka magaalada Madiina jooga ay ku fitnoobaan markaasuu ku yiri; Aniga ilama daganaanayo nin haweenku ay ku heesaan magiciisa magaalada Madiina. Wiilkii waa yaabay oo wuxuu yiri; Amiirkii mu’miniintoow maxaan sameeyey ee aad iiga eryaysaa magaalada Madiina oon ku soo barbaaray!! ; Wuxuu yiri Cumar; Aniga cid fitno ku ah haweenka muslimka uma ogolaanayo inuu ila daganaado Madiina.

Kadibna waa diray oo wuxuu siiyey saadkiisii iyo wuxuu u baahnaa, waqtigaasna dawlada Islaamku waxay qofkasta oo muslima siin jirtay biil ku filan nolol maalmeedkiisa.

Markay sheekadii maqashay gabadhii ku heesaysay magaca Nasri ibnu Xajaaj ayey tirisay gabay kale oo macnihiisu ahaa: Imaamkii hanuunkoow anigu waxaan ahay gabar dhawrsoon waxaanan hawadaydii ku xiray Alle ka cabsi, sidoo kalena aniga iyo qoys-kaygaba waxaan wanaag ahayn naluguma sheegayn.

Cumar dadkii ayuu waydiiyey warka gabadhaas markaasaa loo sheegay inay tahay gabar dhawrsoon oo aan aqoonin xumaanta iyo cabida khamriga toona, markaasuu Cumar Ooyey oo gabadhaas u cudurdaaray.

Ninkii Nasri ibnu Xajaaj waa baxay wuxuu tagay magaalada Basra kadibna wuxuu ku dagay nin la dhaho Mushaajic ibnu Mascuud oo kusii sime u ahaa Abumuusa Al-ashcari magaalada Basra.

Ninkan Mushaajicna wuxuu lahaa Xaas qurxoon kolkaas buu soo galay Nasri gurigii Mushaajic kadibna Nasri ayaa dhulka ku xariiqay qoraal markaasay haweenaydii Mushaajic tiri; anigana sidoo kale. Mushaajic wuxuu ahaa nin aan waxna qorin waxna akhriyin balse wuu fahmay in meeshan ay jirto jawaab lays dhaafsaday dabadeedna wuxuu u yeeray cid taqaana akhrinta qoraalka markaasay ku dhaheen waxa dhulka ku qoran sidan; waan ku jeclahay jacaylkaasina haduu kaa sarreeyo wuu ku harin lahaa haduu kaa hooseeyana wuu ku qaadi lahaa!!

Ninkii Nasri oo jooga gurigiisii ayaa loo sheegay in Mushaajic warkiisii helay kadibna waa u xanuusaday oo aad buu u dhibaatooday.

Mudo markuu maqnaa ayuu soo diray warqad uu ku leeyahay; Amiirkii Mu’miniintoow ii ogolow aan ku soo laabto magaalada Madiina, gabadhii magacayga ku heesaysana waxay ahayd gabar dhawrsoon ee qurbahan ayaa i dhibay ee i cafi!! Cumar warqadii Nasri waa ka biyo diiday.

Maalin danbe Cumar oo kusii socda masaajidka xilligii u dhaxaysay aadaanka iyo qiimida ayaa waxa ka hor yimid gabar calaacalaysa oo leh; Amiirkii Mu’miniintoow waxaan ku qabsanayaa maalinta qayaame!! maxaad u eriday wiilkaygii Nasri halka wiilashaadii Cabdilaahi iyo Caasim ay kula joogaan anigana wiilkaygii waxa noo kala dhaxaysa buuro iyo dhul aad u wayn!1 Cumar wuxuu ugu jawaabay; aniga wiilashayda dumarku maysan hamiyin kumanaysa geeraarin!!

Ninkii Nasri isagoo jooga ayaa waxa yimid Governatoorihi Basra Abumuusa Al-ashcari markaasuu ku yiri; Saw Adiga maaha ninka uu soo cayriyey Amiirka Mu’miniinta? Ka bax magaalada Basra!! Nasri waa bxay wuxuu iska tagay dhulka Faaris laakiin halkaana kumuu waarin ee waxa kasoo eryey waaligii haystay ee Cusmaan ibnu Abilcaas wuxuuna yiri; Cumar ibnu Khadaab iyo Abumuusa waxaan Shar ahayn kuumay soo eryin!! Nasri wuxuu dhahay; hadaad i saartaan Gaaladaan u tagayaa! Kadibna warqad ayuu Cusmaan usoo diray Abumuuse halka Abumuusana uu warqda uga soo diray Cumar ibnu Khadaab wuxuuna yiri Cumar: timaha ka xiira, maryahana ka badala kuna haya masaajidka.


By:Siciid Nuur Cadde 
Saidjimba24@gmail.com 

Tuesday, March 31, 2020

Fadliga Quraanka Kariimka

Fadliga Quraanka Kariimka

قال الله تعالى: ﴿ إِنَّ هَـٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا ﴿٩﴾
Qur’aankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajiri wayn .
وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا ﴿٨٢﴾
Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka  Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma  siyaadiyo Waxaan Khasaare ahayn.

 
وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾
Kuwa Akhriya  Kitaabka  Alle oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.
عن أبي أمامة رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏ اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.
Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)
وعن النواس بن سمعان رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏يؤتى يوم القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل عمران تحاجان عن صاحبهما ‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.
Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga,  oo Suuradaha Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)
وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏
Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana dadka kale. (Bukhaari).
وعن عائشة رضي الله عنها قالت‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏
Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar. (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏مثل المؤمن الذي يقرأ القرآن مثل الأترجة‏:‏ ريحها طيب، وطعمها طيب، ومثل المؤمن الذي لا يقرأ القرآن كمثل التمرة‏:‏ لا ريح لها وطعمها حلو، ومثل المنافق الذي يقرأ القرآن كمثل الريحانة‏:‏ ريحها طيب وطعمها مر، ومثل المنافق الذي لايقرأ القرآن كمثل الحنظلة‏:‏ ليس له ريح وطعمها مر‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏
Abuu Muusaa Al-Ash-Cari (R.C.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Tusaalaha mu’minka darsaa Qur’aanka waa sida liinta ah udguunka iyo macaankla, tusaalaha mu’minka aan akhriyin Qur’aanka waa sida timirta engagan aan iyadu ur lahayn ha yeeshee macaan, tusaalaha munaafiqa akhriya Qur’aanka wuxuu la mid yahay reexaanta udgoon haddana qaraarka ah, munaafaqa aan akhriyin Qur’aanka wuxuu la mid yahay sibirta aan urta lahayn qaraarkana ah dhadhan ahaan. (Bukhaari iyo Muslim)